image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Xaadoole oo shaaciyey ninka keenay qorshihii Sh/Dhexe looga saaray Al-Shabaab

Muqdisho (Onkod Radio) – Xildhibaan Cusmaan Xaadoole oo ku sugan deegaanadii AlShabaab laga xoreeyey ee gobolka Sh/Dhexe ayaa shaaciyey qorshihii suurta-geliyey in la xoreeyo degaanka Nuur-dugle, isagoo soo bandhigay go’aan halis ahaa, balse lagu faa’iiday oo Xildhibaan Yuusuf Kabaale uu ku adkeystay.

Xildhibaanka ayaa aad u amaanay beesha Kabaale ee Abgaal, isagoo shaaciyey in xoreynta deegaanada beeshaas uu sababteeda lahaa Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo hoggaaminayey ciidankii xoreeyey Nuur-dugle iyo deegaanada u dhow.

Maalintii aan Al-Shabaab ka xoreynay Masaajid Cali-gaduud, waxaan celi weynay Xildhibaan Yuusuf Kabaale, wuxuu na yiri aan 30 KM gudaha galno oo Nuur-Dugle aan xoreyno, waxaan dhahnay sidee isaga difaaci doonaa weerarrada Al-Shabaab, wuxuu nagu yiri beesheyda Kabaale ayaan soo kicinayaa ee mar na geeya degaanka,” ayuu yiri Xaadoole.

Wuxuu sheegay in go’aankaas lala qaatay Xildhibaan Yuusuf Kabaale, iyadoo cabsi badan la qabo oo Al-Shabaab lasoo dhex galay, balse waxaa guuleystay qorshihii xildhibaanka, maadaama ciidan xoog leh laga helay beesha Xildhibaan Yuusuf Kabaale, markii laga dul qaaday oo laga xoreeyey Al-Shabaab.

Sidoo kale Xildhibaan Xaadoole ayaa cadeeyey in xoreyntii Nuur-dugle ay u sahashay in la xoreeyey degmooyin iyo deegaanadii kale ee Sh/Dhexe ay Al-Shabaab ka joogeen, sida Aadan-Yabaal, ilaa Hiiraan iyo Galgaduud.

Xildhibaan Xaadoole ayaa ku dheeraaday ka hadalka heerka cabsidii ay qabeen dadka laga xoreeyey Al-Shabaab, isagoo ku amaanay geesinimada ay muujiyeen ciidankii is abaabulay ee beesha Yuusuf Kabaale oo dhul badan ka xoreeyey Al-Shabaab.

  

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.