image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

CC Shakuur oo dalbaday in hay’addaha amniga looga yeero BF arrin soo badatay awgeed

Muqdisho (Onkod Radio) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Gurmadka iyo Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo soo xaadiray kulankii maanta ee Golaha Shacabka ayaa dalbaday in loo yeero hay’addaha amniga.

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Muqdisho ay ku dhiban yihiin jidadka la iska xirto markii la rabo, ayada oo caasimada ay wajaheyso culeysyo dhanka amniga ah.

Muwaadinka Soomaaliyeed maalinkasta waxa uu ku dhiban yahay meel uu maro in uu waayo, inay jidadka ka xirnaadan in mararka qaarkood safarada la xayiro oo duulimaadka la hakiyo. Anaga xildhibaanimo iyo xasaanad ayaa jidka kusoo marna laakiin dadkii waa shaqeysan la’yihiin waana socon la’yihiin, ayuu yiri.

“Sidee muwaadinka jid xirka looga joojin karaa? waa in hay’addaha amniga na-horyimaadeen oo aan weydiino sababta ay jidka u xirayaan, sababta hooyo waayeel ah oo mooto saaran oo isbitaal u socota loo leeyahay ka noqo jidka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale si adag uga horyimid sababaha inta badan loo xiro jidadka Muqdisho, kuwaasi oo la xiriira dhaq-dhaqaaqa madaxda ee gudaha magaalada iyo wafuuda dibada ka timaada.

“Muwaadiniinta ayaan halkan u joogna dad kale uma joogno, waxaa rabna guddoomiye in dhab ahaan loo qaato madaxda hay’adda amniga ha la keeno. Sababta jidadka loo xirayo maalinkasta iyo asbuc kasta ee loo leeyahay jidadka waa xiran yihiin in aan ogaano ayaan rabna si aan u noqono dad muwaadiniinta u shaqeeya.”

  

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.