image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

kadib hadalkii Cali Dheere DF oo sheegtay in ay soo bandhigi doonto akoonnadi ay xirtay iyo lacagaha ay ka xayirtay Alshabaab

Muqdisho (Onkod Radio) – Warbaahinta kooxda Al-Shabaab ayaa Sabtidii baahisay muuqaal uu afhayeenka kooxda Cali Dheere uga hadlayo dagaalka dhaqaale ee kaga socda Muqdisho, kaasi oo uu udhigay mid lagu dhibaateynayo umadda Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka, gaar ahaan wasaarada warfaafinta ayaa u dhaqaaqday inay baahiso muuqaalo hore oo ku saabsan dagaalka dhaqaale ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaasi oo kamid yihiin shaacintii akoonada iyo lambarada laga xiray kooxda iyo hadal uu madaxweynaha dhawaan ka jeediyay kacdoonkii shacab ee ka qabsoomay Muqdisho.

Hadalka Cali Dheere oo u muuqday mid quus ah oona  muujinaaya in dagaalka dhaqaale ee dowladda federaalka la gashay uu si weyn u taabtay ayaa digniin u diray bangiyada oo uu sheegay inaysan xogta macaamiishooda la wadaagin dowladda, islamarkaana ay ilaaliyaan lacagaha la dhigto.

Dowladda ayaa muuqaalada ay dib u baahisay ee uga jawaabeyso hadalka Cali Dheere waxa kamid ah madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya oo sheegaya guusha laga gaaray dagaalka dhaqaale ee Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in lasoo bandhigi doono malaayiin dollar oo Al-Shabaab ugu xaraysnaa akoono maaliyadeed oo ay dowladdu xirtay.

Xasan ayaa sidoo kale sheegay in arrintaan ay muujinayso in dagaalka dhaqaale ee Alshabaab uu yahay mid ficil ah, xilli ay markii hore dadka qaarkood u haysteen sheegashada dowladda ee akoonada la xayiray mala awaal qeyb ka ah dagaalka.

Dowladdu mar dhow way soo bandhigi doontaa xisaabaad badan oo Shabaab Bangiyada loogu arurin jiray kuwaas oo la xiray. Taleefoono badan oo lacagaha la isugu xawili jirayna waala xiray,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuuud.

Al-Shabaab ayaa u muuqata inay saameeysay xayiraada dowladda ay saartay dhaqaalaha u yaalla bangiyada Muqdisho, kuwaasi oo ay kooxda ku eedeeysay in aysan ilaalin karin lacagaha amaanada ku ah.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.