image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “WALAALNIMADA DOWLADAHA SOOMAALIYA IYO JABUUTI WAXAA KU KORDHAY GACAL IYO XIDIDNIMO”

Muqdisho, Diseembar 8, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle sida maamuuska leh ee uu uga aqbalay doonista gabadhiisa Haybado Ismaaciil Cumar oo maanta loo doonay Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay dhaqanka gacalnimada, islaamnimada iyo Soomaalinimada leh ee soo jireenka ah kaas oo uu ku bogaadiyey walaalkiis Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi guddoonsiinta gabadhan uu abtiga u yahay.

“Waxaa hore loo yiri rag waxa ugu han weyn ninka gabar nin dhalay yiraahda i siiya, waxaana ugu deeqsisan ninka siiya. Haybado Ismaaciil Cumar Geelle, waxaan ka doonaynaa abkeed, abtiyaasheed iyo aabbaheedba oo aan waydiisanayno in gabadha nala siiyo oo na loo meheriyo annaga oo ku taagan jidkii gacalnimada Islaamka iyo Soomaaliduba lahayd ee soo jireenka ahaa”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in walaalnimada dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti uu maanta ku kordhay gacal iyo xididnimo isagoo qoyska cusub Alle uga baryey in uu isu barakeeyo, kalana siiyo ubad iyo nolol wanaagsan, isagoo xasuusiyey qiimaha ay xanbaarsan yihiin midowgooda, maadaama ay isu guuriyeen labo Qaran oo walaalo ah, wadaagana dhaqan, dhiig iyo taariikh soojireen ah.

Munaasabaddan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaareyaal Hore oo soo hoggaamiyey Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, masuuliyiin iyo madax ka mid ah goleyaasha Jamhuuriyadaha Jabuuti iyo Soomaaliya.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.