image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ergeyga Gaarka ah ee Finland u qaabilsan nabadaynta iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed oo la kulmay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre

Muqdisho, Soomaaliya: Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed, Ergeyga Gaarka ah ee Finland u qaabilsan nabadaynta iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika oo weli ku jira safarkiisa shaqada ayaa la kulmay Ra’iisal JF Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre.

Ergeyga Gaarka ah ee Finland u qaabilsan nabadaynta iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed iyo Ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ka wadahadlay xiriirka guud ee labada dal ee Finland iyo Soomaaliya ka dhexeeya, arrimaha nabadda, isi-saamaxaadda ama cafiska.

MP Suldaan Said Ahmed iyo PM Xamse Abdi Barre

Ra’iisal wasaaraha ayaa Ergeyga uga mahadceliyay sida dhow ee uu ula socda xaaladda bani’aadminnimo ee Soomaaliya ka jirta wuxuuna sidoo kale dowladda Finland uga mahadceliyay taageerada hagar la’aanta ah ee ay siiso dowladda iyo dadka Soomaaliyeedba.

Ugu dambeyntii waxay labada mas’uul, Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed iyo Ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre isku afgartay sii wadista xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhexeysa xukuumadda Soomaaliya iyo Finland.

Wixii warar ah ee ku saabsan socdaalka shaqo ee MP Suldaan Said Ahmed, Ergeyga gaarka ah ee Finland u qaabilsan nabadaynta Geeska Afrika halkan kala soco.

Source: Suomensomalimedia.fi

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.