image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ergeyga gaarka ah ee Finland u qaabilsan Geeska Afrika Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed oo socdaal shaqo ku maraya Geeska Afrika:- Kulan uu la qaatay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac

Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed, Ergayga Gaarka ah ee Dowladda Finland u qaabilsan arrimaha nabadaynta Geeska Afrika oo safar shaqo ku mararka dalalka Geeska Afrika ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa warbixin ka dhageystay ergeyga gaarka ah ee Finland u qaabilsan arrimaha nabadaynta Geeska Afrika MP Sudlaan Said Ahmed.

Xuquuqda sawirka: OPM/Facebook

Ra’iisal wasaare ku xigeen Saalax Axmed Jaamac ayaa ku bogaadiyay MP Suldaan Said Ahmed dadaalka uu ka wado Geeska iyo doorka Dowladda Finland ee ah garab istaagga dawladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada nabadaynta, dib u heshiisiinta iyo dhamaystirka dib u eegista dastuurka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa MP Suldaan Said Ahmed la wadaagay muhiimadda ay leedahay in ay dowladda Finland doorkeeda ka qaadato gurmadka abaaraha iyo taakulaynta dadka tabaalaysan.

Ergeyga gaarka ah ee Finland u qabailsan Geeska Afrika MP Suldaan Said Ahmed ayaa dhankiisa ka mahadceliyay kulanka isagoona xusay in Dawladda Finland ay dhinaceeda dadaal ku bixin doonto qodobada la isla soo qaaday.

Socdaalka uu ergeygu ku marayo Geeska Afrika ayaa ku soo aadaya xilli ay halkaas ka jiraan colaado iyo macluul fara ba’an ku haya dadka ku dhaqan guud ahaan dalalka dhaca Geeska Afrika.

Wixii ku soo kordha safarka shaqo ee uu Ergeyga gaarka ah ee Finland u qaabilsan nabadaynta Geeska Afrika MP Suldaan Said Ahmed ku marayo Geeska Afrika kala soco warsidaha SSMV.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.