image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Deg Deg Muuse Biixi oo loo sammeeyay muddo kordhin

Hargeysa (Onkod Radio) — Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta muddo kordhin horleh u sameeyey madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kadib kulan xasaasi ah oo ay maanta ku yeesheen xarunta ay ku leeyihiin magaalada Hargeysa.

Golaha ayaa laba sano oo dheeri ah ugu daray madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, kadib codeyn gacan taag ah oo ka dhacday xarunta Guurtida Somaliland.

Sidoo kale Golaha Guurtada Somaliland ayaa iyaguna ku darsaday muddo xileedkooda 5 sano oo dheeri ah, waxaana golahan uu yahay kii u horreeyey, mana jiro isbeddel lagu sameeyey tan iyo markii la dhisay, waxaana markastaa loo kordhiyaa muddada xil heynta,

Kulankan oo aad isha loogu hayey ayaa markii hore loo diiday wariyeyaasha, balse dood dheer kadib ayaa loo ogolaaday, waxaana lagu dhowaaqay muddo kordhinta cusub.

Tallaabada ay qaadeen Golaha Guurtida ayaa aheyd mid la filayey, waxayna ku soo aaday, xilii todobaadkii hore guddiga doorashada Somaliland uu ku dhowaaqay in uusan  xiligeeda ku qaban karin doorashada, uuna baahan yahay ugu yaraan 9 biloodoo dheeraad ah.

Lama oga sida ay noqon doonto fal-celina xisbiyada mucaaradka oo si weyn uga soo horjeeday muddada kororsigan, kuwaas oo hore dibad-baxyouga dhigay Somaliland.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.