image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Bisha Cas ee Japan oo gaarsiisay deegaannada duufaanta ka dhacday gargaar

Tokyo (Onkod Radio) — Shaqaale katirsan Bisha Cas ee Japan ayaa gurmad geeyay deegaannada ay saameynta taban ku reebeen Roobabka Mahiigaanka ah ee daadadka badan dhaliyay & Duufaannada xooggan isugu darsameen ee Dalkaas.

Howlwadeennada Bisha Cas ayaa sheegay in ay Dadka siiyeen Guryaha macmalka ah ee (Teendhada) loo yaqaan, Dharka adag ee la xirto & Agab kale si ay dadkaas uga gabbaadsadaan qabowga ka dhashay isbaddelka Cimilada.

Xukuumadda Tokyo ayaa sheegtay in ay xoogga saareyso sidii gurmad loo gaarsiin lahaa meelaha ugu badan ee dhibaatooyinka guryo la’aanta laga soo wariyay si doorka Dowladda ay ka qaadaneyso dib u dejinta uu meel sare u gaaro.

Is baddelka Cimilada ayaa loo arkaa in ay sababtay dhibaatooyin badan oo ka dhacay waddamo dhowr ah, Dalalka ugu Warshadaha badan & Qaramada Midoobay ayaa dhowr jeer ka xaajooday sidii loo yareyn lahaa qiiqa (Qaaca) badan ee hawada ku baxa.

Ra’iisul Wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa musiibo aan la daawan Karin ku tilmaamay daadadka ka dhashay Roobka mahiigaanka & dabaylaha xooggan ee dhulka dhigay dhismaha ay degenaayeen Dadka u badan qoysaska dhaqaalahoodu hooseeyo.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.