image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

DFS iyo Maleysiya oo heshiis kala saxiixday

Muqdisho (Onkod Radio) — Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Fardowsa Cusmaan Cigaal oo ku sugan magaalada Montreal ee dalka Canada, halkaas oo uu ka socdo shirka Hay’adda duulista hawada adduunka ee ICAO ayaa kulan gaar ah la qaadatay dhigeeda Dalka Malaysia , Dr Wee Ka Siong.

Wada-hadalka gaarka ah ayaa looga hadlay sida ay labada dal iskaashi uga yeelan lahaayeen adeegyada Gaadiidka iyo Duulista, iyadoo kulanka uu goobjoog u ahaa Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan.

“Malaysia , waa mid ka mid ah waddamada aan dooneyno iskaashi miro-dhal ah inan kala yeelano horumarinta adeegyada Gaadiidka iyo Duulista , waxaana si wadajir ah u xaqiijinay muhiimada ay labada dal arrintaas u leedahay ayay tiri“ Wasiir Fardowsa.

Waxaa ay intaa ku dartay Dawladda Malaysia inay Soomaaliya ka taageerrayso farsamada iyo khibrad -wadaag ay ku biirinayaan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka ee Malaysia , Dr Wee Ka Siong ayaa dhankiisa xaqiijiyay sida ay mudnaan u siinayaan iskaashiga Soomaaliya ee dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Inta uu socdo shir weynaha 41-aad ee Hay’adda duulista hawada adduunka ee ICAO, ayaa kulan doceedyo waxaa ay Wasiir Fardowso , la yeelan doontaa qaar ka mid ah wasiirrada , wakiillada iyo ururrada 193 waddan ee xubnaha ka ah ICAO oo ka qeybgalaya shirka.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.