image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

DFS oo Liibiya ka keeneysa Dhallinyaro Dalkaas u tagtay inay kasii tahriibaan

Muqdisho (Onkod Radio) — DFS ayaa sheegtay in 27ka September 2022 ay Dalka dib ugu soo celineyso illaa 9 ruux oo Dhalinyaro Soomaali ah oo Liibiya u tagay in ay uga sii tahriibaan waddamada Yurub Balse ay xirteen kooxaha loo yaqaan (Magafayaasha).

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya Ayuub Xaashi Ciise ayaa sheegtay in qaar kamid ah Dhalinyaradaan ay ku xirnaayeen Xabsi balse lagu guuleystay in laga soo daayo kooxaha u xirtay in ay madax-furasho ka qaataan.

Xoghaye Ayuub oo la hadlay Wakaaladda SONNA ayaa tilmaamay in Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya ay fududeyneyso safarka Dhalinyaradaan lagu keenayo Magaalada Muqdisho si ay dib ula midoobaan ehelkooda oo markii horay ay ka tageen.

Xabsiyada Liibiya waxaa ku xiran Dhalinyaro Soomaali ah oo aan tirakoob rasmi ah lagu sameyn kuwaas oo u tagay in ay kasii tahriibaan si ay u tagaan Talyaaniga & Jasiirada kale ee u dhaw si ay uga sii gudbaan waddamada kale ee Qaaradda Yurub.

Tahriibayaasha ayaa dhibooyin nolol la kulma inta ay joogaan Liibiya, marka ay ku safrayaan Badda Mediterranean-ka oo ay ku dhinteen boqolaal ruux oo u badan Dhalinyaro halka qaar kale laga badbaadiyay.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Socdaalka ee loosoo yareeyo IOM oo kaashaneysa Liibiya & waddamada ay kasoo jeedaan Tahriibayaasha ayaa ku guuleystay dib u celinta Tahriibayaal badan oo xabsi & dhibaatooyin la kulmay.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.