image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Al-Shabaab oo xiray gacansigii ka jiray Soobe Muqdisho & DFS oo ka aamusan

Muqdisho (Onkod Radio) — Al-Shabaab ayaa ku amartay Dadka iska leh Goobaha Ganacsi ee ku yaala Daarta Soobe in ay xiraan cidii Amarkaasi diidana tilaaba ay kaa qaadi doonaan.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka danbeysa arrintan waxaase ay usheegeen Dadka ay lasoo xiriireen in sababta ay usheegi doonaan marka ay ammarka fuliyaan.

Dadka iska leh Goobaha ganacsi ee ku yaala Daarta Soobe ayaa hada isku diyaarinaya fulinta Amarkan.

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya wali wax faahfaahin ah ma aysan ka bixin go’aankan Ganacsatada ay dul saareen Al- Shabaab ee ku ganacsatada Zoobe.

Dhawr mar sidan oo kale waxaa albaabada loo laabay goobo ganacsi oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha ka dib amar ka soo baxay kooxda Al- Shabaab.

Al- Shabaab ayaa sida la ogyahay canshuur ka qaada ganacsto badan oo ku nool magaalada Muqdisho oo aysan iyaga maamulkooda gacanta ku haynin.
warkan wixii ku soo kordha kala soco.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.