image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Wasiirkii ka dhoofaya Dalka fasax ayuu ka qaadanayaa RW Xamse

Muqdisho (Onkod Radio) — Warar Onkod uu ka helayo xafiiska Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in dalka uusan ka bixi karin wasiir aan fasax ka qaadan xafiiska Ra’iisulwasaaraha.

Waxaa lagu waramayaa in Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya amar dul dhigey Golaha isaga oo faray in wasiir aan ka fasax qaadan aanu dalka ka bixi karin.
Ma cadda sababta, xilligan keentay in Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya go’aankan uu dul dhigo Golaha Wasiirada Soomaaliya .

Hadda ka dib ma jiri doono wasiir dalka ka baxa fasax la’aan ayay ka dhigan tahay talaabada uu qaaday Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Wasiir kasta oo doonaya in dalka uu ka dhoofo ayaa warqad fasax ah ka qaadan doono xafiiska Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya si loo ogaado sababaha uu ugu baxayo dalka.

Xukuumaddii hore Shaqaalaha dowladda oo keliya ayaa ahaa kuwo Warqada fasaxa ka qaata xafiiska Ra’iisulwasaaaha – hase ahaatee hadda waxaa muuqatay in dhamaan Golaha Wasiirada looga baahan yahay in ay soo ogaysiiyaan bixitaankooda xafiiska Ra’iisulwasaaraha.

Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada oo aan xogtan wax ka waydiinay ayaa ka gaabsaday in wax jawaab ah ka siiyaan RBC hase ahaatee go’aankan ayaa loo arkaa mid meesha ka saaraya madax banaanida Wasiirka.

Dhanka Xukuumadda Ra’iisulwasaaraha ma jiro wax hadal ah oo saxaafadda la wadaagtay oo salka ku haya sharcigan cusub ee lagu soo rogay Golaha Wasiiradda Soomaaliya , lamana oga sida ayugu falcelin doonaan.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.