image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Boosaaso: Maydka 2 Carruur oo laga helay xeebta

Boosaaso (Onkod Radio) — Warar aynu ka helayno magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in xeebta magaalada laga helay maydadka laba ruux oo carruur ah oo da’adooda lagu kala sheegay 11 jir & 12 jir ayaa laga helay xeebta Magaaladaasi.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in Carruurtan oo ay baddu qaaday shalay ayaa maanta-na soo tuftay sida ay xaqiijiyeen.

Ehellada carruurta ayaa sheegay in keliya ay ka war heleen markii lagu soo wargaliyay maydadka carruurtooda ka horna baadi goob ugu jireen raq iyo ruux labaduba

Carruurta ku geeriyootay badda ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay Axmed Cabdi kariin & Sakariye, ehellada carruurtan ayaa buux dhaafiyay Isbitaalka oo la dhigay meydadka.

Maamulka degmada Boosaaso ayaa ka digaya dhibaatada xeebaha uga imaan karta carruurta ka yar da’da qaan- gaarinimada.

Dhacdadaan ayaa ku soo beegmeysa xilliyada ay dabaylaha xagaagu dhacayaan waxaana horey xeebaha badda cas ugu degay doonyo ganacsi oo u soo socday Boosaaso.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.