image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Al-Shabaab oo gubay Guryo iyo Ceelal ku yaalla deegaannada Hiiraan

Muqdisho (Onkod Radio) — Wararka Idaacadda Onkod ee Muqdisho uu ka heleyo degaanka Ceel-jiqoow oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay gubeen dhammaan guryihii kuyaallay degaanka.

Dadka degaanka Ceel-jiqoow ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in marka hore ay Al-Shabaab ku amreen inay degaanka deg deg uga baxaan, sidaasina ay ku gubeen guryihii, sidoo kalena  qarax ku bur-buriyay Halkii  ceel biyood ee ku yaallay deegaanka Ceel Jiqoow oo dadka iyo xoolaha ka biya cabi jireen.

Sidoo kale dadka degaanka waxaa ay sheegeen in xilligaan ay soo wajahday duruufo dhanka nolosha ah kadib markii Ceelkii biyaha ay ka cabayeen iyo Guryihii ay ku noolaayeen ay gubeen Al-Shabaab.

“Walaaloow annaga oo guryaheenna iska joogna ayay Al-Shabaab nagu amreen inaan isaga baxno, markii aan ka tagnayna waa ay gubeen, ceelkii Biyaha aan ka cabi jirnay qaraxyo ayay ku burburiyeen, ma naqaano waxa aan ka galabsanay ayuu yiri” Mid kamid ah dadka degaanka Ceel jiqoow oo hoostaga degmada Maxaas.

Waa markii labaad oo Al-Shabaab ay gubaan guryo kuyaalla Gobolka Hiiraan, sidoo kalena ay qaraxyo ku burburiyaan Ceel biyodyo, waxaana tllaabadan ay kusoo aadeysaa xilli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay Ciidamada dowladda & kuwa Macawiisleyda ka wadaan degaanno & degmooyin katirsan Gobolka Hiiraan.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.