image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Waa kuwee Nabadoonnada ku dhintay Gaariga shacabka ee Qarax lagula eegtay Hiiraan ?

Baladweyne (Onkod Radio) — Wararka naga soo gaarayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax lala eegtay gaari ay saarnayeen dad shacab ah.

Goobjoogayaasha ayaa sheegaya in qaraxan- Al Shabaab ay la eegteen gaari dad shacab ay saarnayeen kaas oo marayay degaan lagu magacaabo Aqaboy oo u dhow degmada Buq-aqable.

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dadkii saarnaa waxaana ilaa iyo hada la sheegayaa in dadka geeriyooday uu ku jiraan , Nabadoon Mukhtaar Xaaji Axmed Dhaqane, Nabadoon Yuusuf Fiidow Faarax iyo wiilkiisa Ibraahin Yuusuf Fiidow. Sidoo kale waxaa dhaawac halis ah Nabadoon Xuseen Xasan Ibraahin.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan oo la xiriira weerarkan dad ay ku dhinteen ee ka dhacay deegaanka u dhaw Buq-Aqable.

Dhawaan ayay ahayd markii Al- Shabaab gaari ay lahaayeen dad shacab ah gubeen isla markaana ay ku laayeen gobolka Hiiraan dad shacab ah kuwaas oo markii dambe Al- Shabaab ku tilmaameen shacabkaas in ay ay ahaayeen Macwiislay.

Deegaano badan oo gobolka Hiiraan waxaa ka soconaya howlgallada Dowladda Federaalka ay ku doonayso in ay ku sugto amaanka gobolkaas

Beledwayne Wararka Onkod uu ka helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax lala eegtay gaari ay saarnayeen dad shacab ah.

Goobjoogayaasha ayaa sheegaya in qaraxan- Al Shabaab ay la eegteen gaari dad shacab ay saarnayeen kaas oo marayay degaan lagu magacaabo Aqaboy oo u dhow degmada Buq-aqable.

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dadkii saarnaa waxaana ilaa iyo hada la sheegayaa in dadka geeriyooday uu ku jiraan , Nabadoon Mukhtaar Xaaji Axmed Dhaqane, Nabadoon Yuusuf Fiidow Faarax iyo wiilkiisa Ibraahin Yuusuf Fiidow sidoo kale waxaa dhaawac halis ah Nabadoon Xuseen Xasan Ibraahim.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan oo la xiriira weerarkan dad ay ku dhinteen ee ka dhacay deegaanka u dhaw Buq-Aqable.

Dhawaan ayay ahayd markii Al- Shabaab gaari ay lahaayeen dad shacab ah gubeen isla markaana ay ku laayeen gobolka Hiiraan dad shacab ah kuwaas oo markii dambe Al- Shabaab ku tilmaameen shacabkaas in ay ay ahaayeen Macwiislay.

Deegaano badan oo gobolka Hiiraan waxaa ka soconaya howlgalada Dowladda Federaalka ay ku doonayso in ay ku sugto amaanka gobolkaas

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.