image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Guudlaawe oo safiirka midowga Yurub kala hadlay gurmadka Abaaraha

Muqdisho (Onkod Radio) — Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Danjire Tiina Intelmann.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan xoojinta iyo dardargalinta mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageerayo Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Sida Gurmadka abaaraha, Sugidda amniga, Sare u qaadidda mashaariicda horumarineed iyo dhisidda awoodaha hay’adaha kala duwan ee Dowladda Hirshabeelle.

Cali Guudlaawe Xuseen ayaa uga mahadceliyay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo dadaalka ay ugu jiraan sidii Hirshabeelle ay uga taageeri lahaayeen howlaha hortabinta u leh maamulkiisa.

Dhanka kale Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Danjire Tiina Intelmann ayaa sheegay Hirshabeelle Cali Guud laawe uu ku bogaadiyay dadaallada uu ka wado dowlad Gobaleedka Hirshabeelle kaas oo ah la dagaalanka Al-Shabaab.

Midowga Yurub ayaa Soomaaliya ka fuliya Mashaariic badan, Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa jooga qaar ka mid ah maraakiibtiisa, iyada oo todobaadkaan Muqdisho safar uu ku yimid Madaxweyne ku xigeenka Midoowga Yurub ee Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Josep Borrell, kaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay xoojinta xiriirka iyo taageerada Midoowga Yurub ee Soomaaliya.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.