image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Maxay tahay sababta Dagaalka ugu dhex qarxay Armenia & Azerbaijan

Muqdisho (Onkod Radio) — Armenia iyo Azerbaijan ayaa sheegay in ku dhawaad 100 askari lagu dilay Talaadadii dagaalkoodii ugu cuslaa tan iyo sannadkii 2020-kii, kaas oo ka dhashay muranka gobolka Nagorno-Karabakh.

Mowjadihii ugu dambeeyay ee dagaalka ka socda gobolka ay u badan yihiin Armeeniyiinta ee Azerbaijan ayaa ku dhammaaday xabbad joojin jilicsan oo uu dhex dhexaadinayay Ruushka.

Laakiin Wasaaradda Difaaca ee Baku ayaa sheegtay Talaadadii in “50 askari oo Asarbayjaan ah lagu dilay sababo la xiriira daandaansi ballaaran oo Armenia kaga yimid,” halka Armenia ay horay u sheegtay dhimashada 49 ka mid ah askarteeda.

Azerbaijan ayaa ku eedeysay Armenia inay jabisay xabbad-joojinta kadib maalmo isku dhacyo ay socdeen, kaasoo soo cusbooneysiiyay cabsida laga qabo dagaal kale oo dhan walba ah oo u dhaxeeya labada dal ee isku ah cadowga taariikhiga ah.

Ruushka ayaa sheegay in ay heshiis xabbad-joojin ah dhex dhigeen dhinacyadii dagaallamay, taasoo keentay in muddo saacado ah ay xaaladdu degto, balse Azerbaijan ayaa markii dambe ku eedaysay ciidamada Armenia inay “si weyn” u jebiyeen heshiiska.

“In kasta oo lagu dhawaaqay xabbad-joojin tan iyo sagaalkii saac (wakhtiga Moscow, 0600 GMT), Armenia waxay si xooggan ugu xad-gudbaysaa xabbad-joojinta xadka, iyadoo adeegsaneysay madaafiic iyo hub kale oo culus,” ayay yiraahdeen ciidamada Azerbaijan.

Armenia ayaa ka codsatay hoggaamiyayaasha caalamka in la caawiyo kadib markii uu dagaalku qarxay, iyada oo ku eedaysay Asarbayjan in ay isku dayayso in ay dhulkeeda qabsato.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.