image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Sidee loogu soo dhoweeyay Xasan Sheekh Kenya

Nairobi (Onkod Radio) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb galaya caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Mudane William Ruto ayaa xalay gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalkaas.

Madaxweynaha oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka gobolka iyo caalamka ee ka qeyb-galaya caleema-saarka Madaxweyne William Ruto ayaa waxaa si diirran loogu soo dhaweeyey gegida diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo dowladda Kenya soo dhaweynta diirran, isagoo adkeeyey muhiimadda xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Labada dal ee dariska ah.

Caleemo-saarka Madaxweyne William Ruto ayaa ka dhacaya garoonka weyn ee Kasarani oo ku yaalla magaalada Nairobi, waxaana ka soo qeybgalka xafladaan dhaarinta ah diiday ninkii sida weyn ugula loolamay xilka madaxtinimada dalkaas.

Raila Odinga oo doorashada looga guuleystay, isla markaana mar kale looga guuleystay dacwad uu u gudbiyey maxkamada sare ee dalka, kadib markii uu qaadacay natiijadii doorashada, ayaa hadda cadeeyey in xafladaas uusan ka qeyb geleyn.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.