image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ciidamada DANAB Rasaas ay fureen ku dhintay Dad Shacab ah Gaalkacyo

Muqdisho (Onkod Radio) —  Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in rasaas ay fureen Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB xilli ay marayeen duledka Magaalada Gaalkacyo ay ku dhinteen dad rayid ah kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Falkaan ayaa waxa uu ka dhacay waddada xiriirsa Magaalada Gaalkacyo iyo degaanka Dagaari, waxaana dadka ku dhintay rasaasta oo ciidamada ay wadada ku furanayeen kamid ah Nin lagu Magacaabi jiray Mascuud Cabdulqaadir dhoore oo kamid ahaa dhalinyarada Degmada Guriceel.

Ciidamo kale oo katirsan kuwa dowladda iyo kuwa Maamulka Galmudug ayaa gaaray halka uu falka ka dhacay, iyaga oo goobta kasoo qaaday dadka kudhintay rasaasta iyo kuwa ku dhaawacmay.

Wararka aan heleyno ayaa waxaa ay sidoo kale sheegayaan in Ciidamada DANAB ee rasaasta furay ay socdaalkoodii iska sii wateen, iyada oo ehellada dadkii ku waxyeeloobay rasaastaas ay cadaalad dalbanayaan.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.