image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Puntland oo digniino kasoo saartay weeraro Al-Shabaab la damacsantahay Garowe

Garowe (Onkod Radio) — Taliska ciidamada Booliska maamulka Puntland ayaa digniin culus ka soo saaray isku dayo ay kooxda Al-Shabaab la damacsan tahay magaalada Garoowe oo ay uga geysaneyso falal amni daro, sida weeraro, qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo la hadlay waraabhinta ayaa shaaca ka qaaday inay heleen xogo ku aadan in Al-Shabaab ay qorsheyneyso in degmada Garoowe ay soo geliso rag u qaabilsan falalka amni darrada ah.

Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah ee deggan magaaladaas inay la shaqeeyaan ciidamada, si looga hortego qorshaha Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kooxda Al-Shabaab Garoowe laga sifeeyey, kadib dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo ka mid ahaa culimada Puntland, ka gadaal markii gacanta lagu dhigay ninkii ka dambeeyey dilkiisa oo dhex dhacay masjid sannadkii 2013-kii.

“Al-Shabaab sidii dilkii Sheikh Cabdqaadir Nuur Faarax kadib looga sifeeyay Garowe, waxay hadda mar kale isku dayayaan inay Garowe ku yeesheen dad u qaabilsan falalka argigixisada ah, waxaana loo baahan yahay reer Puntland sidii lagu yaqaanay inay aad ula socdaan dad guryaha laga kiraynayo,” ayuu yiri taliyaha Booliska, qaybta gobolka Nugaal.

Puntland ayaa si weyn u adkeysay amniga Garoowe oo xarun u ah maamulkaasi, waxayna taas keentay inay hoos u dhacaan weerarada kooxda Al-Shabaab ee ka dhaca halkaasi.

Si kastaba, Al-Shabaab iyo Daacish ayaa fariisimo ciidan ku leh dhulka buuraha gobolka Bari, waxayna mararka qaar weeraro ka geystaan deegaanno hoostaga Puntland.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.