image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Yuusuf Garaad ” Muqdisho Aqoonsigayga ayaa la igu waydiiyaa ”

Muqdisho (Onkod Radio) — Caasimadda keliya ee aan arkay ee askari aan dalka u dhalani uu aqoonsi i weydiiyo, waa magaalada aan ku dhashay, kuna noolahay.

Sidoo kale waa caasimadda keliya ee aan aqaan ee ciidanka Dowladdu uu aqoonsi weydiiyo muwaaddin si loogu fasaxo in uu waddada maro.

Caasimadaha faraha badan ee aan aqaan iyo kuwa aan tegay, aqoonsi la ima weydiiyo haddii laga reebo marka aan ka dego ama aan ka dhoof is leeyahay gegida dayaaradaha iyo marka aan tago xafiis aan anigu adeeg uga baahday.

Duqa Magaalada ee cusub, oo aan ogahay in uu intaas iyo ka badanba og yahay, waxaan u rajeynayaa guul.

Maxaa keenay Hadalka Yuusuf Garaad

Waddooyin ka mid ah magaalada Muqdisho waxa ku sugan ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya , si gaar ah waddooyinka gala Madaxtooyadda Soomaaliya.

Ciidanka ayaa marka aad ka gudbayso goobaha ay ku sugan yihiin waxa ay shaqsiyaadka ay waydiiyaan aqoonsigooda , taas oo mararka qaar caqabad ku keenta marista waddooyinka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa looga baahan yahay in ay la timaado qorshe cad oo ay ku kala maarayso shaqsiyaadka xilalka ka soo qabtay Dowladda iyo muwaadiniinta kale , kuwaas oo iyaga xaq u leh in loola dhaqmo si masuuliyad ay ku jirto.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.