image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Xoghaya guud ee QM oo gaaray Pakistan xilli ay ka jiraan Fatahaado ba’an

Muqdisho (Onkod Radio) —  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa booqasho ku tegey dalka Pakistan, si uu garab istaag ugu muujiyo dalka Pakistan ee la baaxaa degaya, dhibaatada ka soo gaadhay daadad ku fatahay dalkaas, kuwaas oo khasaare ba’an u geystay. Antonio Guterres ayaa sheegay ‘in ka dib markii ay aadanuhu u nixi waayeen deegaanka, inay taasi keentay masiibooyinkan oo ah falcelinta uu sameeyey deegaanku’. Xoghayaha Guud ayaa muddo laba maalmood ah ku sugnaan doona dalka Pakistan si uu u indha-indheeyo xaaladda bini’aadanimo ee halkaas ka jirta. Xoghayaha ayaa sheegay in deegaanka ama daceebaddu ay tahay wax indho la’ oo mararka qaar aan bartilmaameedsan kuwa sida xun ula dagaalama ee ku xadgudba. “Waxay la mid tahay in deegaankii [la dhibaateeyey] inuu bartilmaameedsaday cid khaldan. Waxay ahayd inuu bartilmaameedsado kuwa sida xun uga faa’iidaysta deegaanka, ee ka masuulka ah isbedelka cimilada, si ay ula kulmaan duruufahan oo kale” ayuu yidhi xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay. Xoghayaha ayaa sheegay in dalka Pakistan uu ka mid yahay meelaha sida daran ay u saameeyeen cawaaqibka ka dhashay isbedelka cimilada. Dalkan oo ay ku nool yihiin in ka badan 220 million oo qof, ayaa haddana qiiqa uu hawada ku sii daayaa ay tahay 1% marka la barbardhigo qiiqa guud ahaan dalalka caalamku hawada ku sii daayaan.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.