image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Xamse Cabdi Barre ” Dalkeenna maanta xor ma ahan ”

Muqdisho (Onkod Radio)— Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in wax laga xumaado ay tahay gumaadka Al- Shabaab ay ku  hayaan dadka shacabka ah ee ku nool gobolka Hiiraan.

Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in marka hore uu aad uga xun yahay dhibaatadii Al- Shabaab ay ka gaysteen gobolka Hiiraan isla markaana uu ka tacsiyaynayo dadkii sida xaq-darra ah lagu dilay.

”Waxaan ugu hambalyaynaa beelaha Soomaaliyeed sida ay u hajuumeen kooxda Al- Shabaab , iyaga oo kaashanaya ciidanka Qalabka sida, Dowladda waa idin garab taagan tahay wayna idin garab istaagnaan doonto waxaad aragteen maanta in ciidanka ay qaadeen howlgal ka dhan ah kooxda ” ayuu yiri Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Bare.

Waxa uu sheegay Xamse in aan loo baahnayn daliil kale isla markaana aanu garin karin sababta loo dagaalami la’a yahay waa ay bilaabatay guusha ayuu yiri Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xusay in dalka xor ahayn loona baahan yahay in la iskaga kaashato in dalka iyo dadka Soomaaliyeed laga dulqaado kooxaha u taagan dhibaataynta.

Hadalkan ayaa Maanta Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ka sheegay kulan looga hadlayay qorshaha haweenka ee nabada iyo amniga oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.