image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheikh Cabdikhaadir oo Xilka La Wareegay

Muqdisho (Onkod Radio) — Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda federalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir  ayaa maanta si rasmi ah xilka kala wareegay wasiirkii hore ee waxbarashada  Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji, kadib munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Munaasabadda xilwareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka koowaad ee xukuumadda federalka Xamse Cabdi Barre, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo bahda waxbarashada oo kamid ahaa martidii lagu casuumay, Ra’iisulwasaare Xamse ayaa si gaar ugu madahdceliyay wasiirkii hore ee waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare xilli uu ka hadlay munaasabadda.

“Waxaan ugu  mahadcelinayaa Wasiirkii hore ee xilka wareejiyey, isagoo tilmaamay in wasaaraddani ay tahay mid leh ahmiyad weyn, shaqo culusna laga sugayo in wasiirka cusub uu ka qabto horumarinta waxbarashadda dalka”. Ayuu yiri Ra’iisulwasaaraha xukuumadda fedelka oo hadal ka jeediyay goobta munaasabadda ay xilka ay kula wereegayeen.

Maalmihii ugu dambeeyay magaalada caasimadda ah ayaa waxaa ka socday munaasabaddo kale duwan kuwaas oo xilka ay kula wareegayaan wasiirradii hore iyo wasiirrada cusub, waxaana maanta xilka la kala wareegay wasiirro dhowr ah oo ay ka mid yihiin wasaaraha waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare iyo wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.