image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Xafiiska Xamza oo shaaciyay ujeedka ammarka uu dul dhigay wasiirrada cusub

Muqdisho (Onkod Radio) — Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa ka bixiyay go’aamo culus oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, kuwaasi oo la xiriira ilaalinta ‘nidaamka shaqada iyo hantida Qaranka’.

Go’aamadan ayaa waxa kamid ahaa in wasiirada cusub aysan xil magacaabis sameyn ama aysan kala bedalin masuuliyiinta hey’adaha ay madaxda ka yihiin, illaa inta ay waafajinayaan sharciga oo ay la tashi kala sameynayaan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Afhayeenka ayaa sheegay in ujeedka laga leeyahay go’aankan uu yahay in la ilaaliyo sharciga, xuquuqda shaqaalaha iyo u sinaanta shaqada, maadama lagu guda-jiro xili kala guur ah oo wasaaradaha xukuumadda ay yeesheen masuuliyiin cusub.

Inta badan Wasiirada ayaa durtaba marka ay xilka la wareegaan waxaa dhici jirtay inay shaqada ka joojiyaan Mas’uuliyiinta wasaarada, sida Agaasimayaasha, taasi oo ka dhalan jirtay habacsanaan shaqo iyo is qabqabsi hor leh.

Go’aanka Ra’iisul Wasaaraha ayaa u muuqda mid uu ku xakameynayo awoodaha Wasiiradiisa inay isbedel si iskood ah iska sameeyaan, iyagoo aan la tashan.

Si kastaba, Amarkaan uu Ra’iisul Wasaaruhu dul dhigay masuuliyiinta dowladda ee wasiirradu ay ugu horeeyaan wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo maalmaan ay xowli u socoto xil wareejinta wasiirradii hore, kuwo cusubna ay xafiisyada la wareegayaan.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.