image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Qarax Maanta ka dhacay Afgooye oo mas’uul sare lagu dilay

Muqdisho (Onkod Radio) — Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay xaafadaha degmada Afgooye, ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga degmadaasi Xuseen Jibriil, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay gaari uu watay mas’uulkaasi, oo ahaa nooca raaxada ee loo yaqaanno Sruf, waxaana la soo wariyey in uu ku dhintay weerarkan oo ay durbo sheegateen Ururka Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in qaraxa loo adeegsaday mootada nooca loo yaqaano Fekon-ta, taas oo lagu dhuftay gaari uu watay marxuumka.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray meesha ay wax ka dhaceen, waxayna sameeyeen baaritaanno dheeraad ah, oo ku aaddan dhacdadaasi, balse ma jirto illaa iyo hadda wax faahfaahin ah oo ay ka bixiyeen qaraxa iyo sidoo kale howlgallada xigay.

Weerarkaan loo adeegsaday qaraxa ayaa qayb ka noqonayo falal ammaan darro oo maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay magaaladaasi.

Afgooye, ayaa waxaa inta badan ka dhaca weerar toos ah, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay magaaladaas ka fuliyaan dagaalyahannada Ururka Al-Shabaab.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.