image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

FBI-da oo baaris ku sameeyey guriga uu deganyahay Trump

Washington (Onkod Radio) — Saraakiil ka tirsan hay’adda FBI-da Maraykanka ayaa la sheegay inay baadhis ku sameeyeen qasri weyn oo uu leeyahay madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump oo ku yaalla gobolka Florida.

Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada FBI-du ay weerareen gurigiisa raaxada ee Mar-a-Lago oo ku yaala gobolka Florida.

“Gurigayga quruxda badan, ee Mar-A-Lago ee magaalada Palm Beach ee ku taalla gobolka Florida waxaa hadda lagu hayaa go’doomin, ka dib markii la weeraray, waxaana ku sugan ciidamo badan oo ka tirsan hay’adda FBI,” ayuu Trump ku yiri hadal dheer oo uu soo saaray fiidnimadii Isniinta.

“Kadib markii aan la shaqeynay oo aan la shaqeynay hay’adaha dowladda ee ay khuseyso, weerarkan aan la ogeyn ee lagu qaaday gurigeyga ma ahayn mid loo baahnaa ama ma ahayn mid ku habboon,” ayuu yiri.

Trump ma uusan sheegin sababta uu u dhacay weerarka. Sidoo kale Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka ayaan iyana isla markiiba ka hadlin eedda ka timi madaxweynihii hore ee Trump.

Madaxweynihii hore ayaa dowladda ku eedeeyay “anshax-xumo dhanka dacwad oogista ah,” isagoo sheegay in weerarku uu la mid yahay “in si khaldan loo adeegsaday Nidaamkii Cadaaladda.”

Trump ayaa sheegay in saraakiisha FBI-du ay xitaa jabsadeen khasnaddii kaydka ee gurigiisa.

Tallaabadan ay qaadeen saraakiisha FBI ayaa ku soo aadaya iyada oo baadhis lagu wado madaxweynihii hore ee Donald Trump, halka uu isaguna isu diyaarinayo inuu markale u tartamo kursiga madaxtinimada Maraykanka marka la gaadho sannadka 2024.

Qaybo ka mida warbixintan waxaa laga soo xigtay wakaaladaha wararka ee AP iyo Reuters Voa

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.