image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Somaliland oo xir xirtay siyaasiyiin horleh iyo shir u socdo mucaaradka iyo xukuumadda

Hargeysa (Onkod Radio) — Wararka laga helayo Somaliland ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Hargeysa ee caasimada maamulkaas, halkaas oo haatan ay howlgallo ka bilaabeen ciidamada Booliska Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay xir xireen siyaasiyiin ka mid ah mucaaradka iyo qaar ka mid ah dadweynaha wax ka abaabulaya dibad-baxa ka dhanka ah xukuumadda.

Musharaxa xisbiga mucaaradka ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay xiisadda Somaliland, wuxuuna tilmaamay in xarigga loo geystay xubnaha mucaaradka iyo dadka shacabka ah aysan hor istaagi doonin dibad-baxooda oo loo qorsheeyey in uu dhaco 11-ka bishaan aynu ku jiro ee August.

“Xadhiga xaqdarrada iyo sharci darradaba ah ee lagula kacay Mas’uuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka iyo taageerayaashooda waxba ka beddeli mayso qabsoomidda isu soo baxa-nabadeed ee Dastuuriga ah ee dhacaya maalinta khamiista ah,” ayuu yiri C/raxmaan Cirro.

Sidoo kale wuxuu fariin u diray taageerayaashiisa, isaga oo ugu baaqay inay u diyaar garoobaaan dibad-baxa mucaaradka ee looga soo horjeedo madaxweyne Muuse Biixi.

“Diyaar garooba, nin ku yidhi sinnaan mayno, adna buri sarreyntiisa!” ayuu sii raaciyey musharaxa xisbiga Wadani ee Somaliland.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.