image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay maalinta ansixinta Wasiirrada

Muqdisho (Onkod Radio) – Guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay goorta codka kalsoonida loo qaadayo golaha wasiirrada cusub ee uu dhowaan magacaabay, ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Xamza Cabdi Barre.

Qoraal ka soo baxay guddoonka baarlamaanka ayaa lagu wargeliyey xildhibaannada in beri oo Axad ah uu jiro kulan-weynaha golaha shacabka oo ka dhacaya Villa Hargeysa.

Xildhibaannada ayaa laga codsaday inay soo xaadiraan kulankaan oo muhiim ah, waxaana ajendaha uu yahay anisixinta golaha wasiirada magacaaban ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa golaha shacabka Soomaaliya hortegi doono ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo marka hore xildhibaannada Soomaaliya weydiisan doono inay meel-mariyaan xukuumadda uu soo dhisay, si ay gudato waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Golaha wasiirada ee magacaaban ayaa maalmihii u dambeeyey waday kulamo xod-xodasho ah oo ay xildhibaannada uga codsanayaan inay meel-mariyaan xukuumadda cusub, taas oo durbo la kulantay dhaleeceyn yga imaaneysa dhinacyo kala duwan iyo maamullada qaar.

Wararka ayaa sheegaya inay u badan tahay in la ansixin doono xukuumadda, maadaama inta badan xildhibaannadu ay taageero u muujiyeen magacaabista golaha wasiirada cusub.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.