image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Tirada golaha wasiirada, wasaarado la baabi’iyey iyo kuwo cusub oo lasoo kordhiyey

Muqdisho (Onkod Radio) – Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa goordhow ku dhowaaqaya golihiisa wasiirada cusub ee muddada la sugayey, waxaana ka muuqdo isbeddelo cusub. 

Sida ay xog horudhac ah ku helay Onkod Radio, Golaha Wasiirada la magacaabayo ayaa ka kooban 25 Wasiir, halka xukuumaddii hore ay aheyd 26 wasiir, waxaana la babai’iyey laba wasaarad. 

Wasaaradaha la baabi’yey waxaa ka mid ah; wasaaradda Gargaarka iyo Musiibooyinka, maadama madaxweyne Xasan Sheekh uu horey u magacaabay ergeyga gaarka ah ee arrimaha abaaraha iyo gargaarka bani’aadamino Cabdiraxmaan Cabdishakuur. 

Sidoo kale waxaa meesha laga saaray wasaaradda dastuurka oo horay gooni ugu taagneyd, waxaana hadda la raaciyey wasaaradda cadaaladda oo noqoneysa wasaaradda Cadaaladda iyo dastuurka. 

Labadan wasaarad ee meesha laga saaray ayaa tirada wasaaradaha ka dhigi lahaa 24, balse waxaa lasoo kordhiyey wasaarada cusub oo ah wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada, ayada oo ujeedku yahay in la badbaadiyo deegaanka oo la rumeysan yahay in xaalufintiisa uu qeyb ka yahay abaaraha soo noqnoqday ee dalka ka jira. 

Sidoo kale, wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa magaca laga beddelay waxayna noqneysaa wasaaradda awqaafta, arrimaha diinta iyo la-dagaalanka argagixisada, waxaana la filayaa in loo magacaabo Mukhtaar Roobow. 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.