image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Golaha Wasiirada cusub ee DF oo lagu dhawaaqayo

Muqdisho (Onkod Radio) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo Golahiisa Wasiirada, xili ay mudo yar uga harsan tahay waqtigii Golaha Shacabka ay u siiyeen in uu kusoo magacaabo.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa laga soo xigtay inay socoto qaban-qaabadii u dambeysay ee munaasibada la filayo in looga dhawaaqo Golaha Wasiirada cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay suurta-gal tahay in wasiirada la shaaciyo caawa, halka kuwa kalena ay sheegayaan inay dhici karto berri subax. Xafiiska Xamza waa uu diiday inuu sheego waqtiga rasmiga ah.

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa si weyn isha uga haya liiska la shaacinayo, ayada oo la filayo inay kasoo dhex muuqan doonaan Golaha Wasiirada siyaasiyiin qaarkood aan xildhibaano aheyn.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo soo geba-geboobeen wada-halladii ugu dambeeyay ee madaxda sare ee dalka ay ka yeelanayaan dhismaha xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul wasaaraha ayaa muddooyinkii u dambeeyay kulamo la qaadanayay waxgaradka, siyaasiyiinta, dhalinyarada, haweenka iyo qaybaha kale duwan ee bulshada oo uu kala hadlayey xukuumadda cusub ee lagu wado in la soo dhiso toddobaadkaan gudahiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale soo afmeeray kulamadii ugu dambeeyay ee lagu soo dhisi lahaa xukuumadda cusub ee la waregeysa talada dalka, ayada oo liiska goordhow lagu dhawaaqi doono.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.