image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Arrinta Mo Farah oo waji cusub yeelatay iyo booliska oo baaritaan billaabay

Muqdisho (Onkod Radio) – Waxaa xalay UK laga sii daayay muuqaal dukumintari ah oo laga sameeyay orodyahanka Mo Farah oo sheegay in si sharci darro ah lagu geeyay Britain.

Dukumintariga oo lagu magacaabo “The Real Mo Farah” ayuu horyaalka ciyaaraha Olympic-da ku sharraxay qaabkii ay noloshiisa ahayd markii uu tagay UK oo uu sheegay in shaqaale guri laga dhigtay.

Booliska oo markii hore sheegay in ay “qiimaynayaan” xaaladda ayaa hadda sheegay in ay baaritaan billaabayaan.

Taliska oo bayaan soo saaray ayaa sheegay in la baarayo sheegashada Mo Farah ee ku saabsan in qaab tahriibin ah lagu geliyay UK iyo in guri lagu addoonsaday.

Orodyahanka afarta jeer ku guulaystay horyaalka Olympic-da ayaa hadal-haynta warbaahinta qabsaday dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay kaddib markii uu sheegay in magaciisa dhabta ah uusan ahayn Mo Farah.

Muuqaalka xalay lasii daayay oo ay horay qaybo ka mid ah u aragtay laanta wararka ee BBC-da ayuu Mo Farah ku sheegay in isagoo sagaal jir ah la geeyay UK, magaciisa saxda ahna uu yahay Xuseen Cabdi Kaahin.

Saraakiisha booliska ayaa xaqiijiyay in ay koox khubaro ah oo booliska ka tirsan fureen baaritaan.

Bayaanka kasoo baxay booliska ayaa lagu sheegay inay “la socdaan wararka ku saabsan Sir Mo Farah ee ay hadal hayaan warbaahinta”.

“Ma jiraan warbixinno lasoo gaarsiiyay booliska xilligan. Saraakiil khubaro ah ayaa furay baaritaan, waxayna hadda u kuur galayaan macluumaadka la heli karo,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhanka kale, lamaanaha lagu eedeeyay in ay si sharci darro ah Mo Farah ku geeyeen UK, iyagoo adeegsanaya magaca cunug kale, ayaa laga yaabaa inay wajahaan baaritaan uu ku sameeyo booliksa Scotland Yard.

 

Warbaahinta qaar ayaa shaaciyay magaca haweeneyda lagu tilmaamay inay tahay qofkii Mo Farah gurigeeda ku haystay si uu carruurteeda ugu adeego.

Marka uu Mo Farah sheegayay in guriga lagu adeegsan jiray waxa ay kooxda BBC-da ee dukumintariga duubaysay la xiriireen haweeneyda, balse diyaar uma aysan ahayn inay hadasho.

Nin uu Mo Farah horay ugu tilmaami jiray in uu yahay aabihiis oo sidoo kale ah la taliyihiisa dhinaca IT-ga ayuu hadda beeniyay inuu aabihiis yahay.

Muuqaalkan ayuu shaaca uga qaaday in aabihiis oo beeraley ahaa lagu dilay dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.