image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Rooble Iyo Xamsa, oo si wadajir ah u booqday xarunta cusub ee xukuumadda

Muqdisho (Onkod Radio) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinaya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si wada jir ah maanta u kormeeray xarunta cusub ee xukuumadda iyo Ra’iisul Wasaaraha oo oo heer gabo-gabo ah maraya.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa kaloo ku wehliyay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Xil gaarsiinta, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyaha Ciidanka xoogga dhulka, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir, iyo Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda.

Waa booqashadii ugu horreysay uu Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya uu ku tago xarumaha dowladda tan iyo 25 Juun 2022-kii oo Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay siiyeen codka kalsoonida.

Xamse Cabdi Barre ayaa Ra’iisul Wasaaraha 21-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loo magacaabay 15 Juun 2022-ka, waxaana lagu wadaa in uu xilka la wareegay saacadaha soo socda, si uu usoo dhiso Xukuumadda cusub.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.