image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Danab oo qabatay xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo hub iyo gaadiid, kuwo kalena dishay

Muqdisho (Onkod Radio) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha Al-Shabaab lagu gaarsiiyey howlagallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano dhaca galbeedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiisha ururka 5-aad ee guutada Danab, ugu yaraan labo xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa la dilay, halka afar kalena nolosha lagu qabtay.

Sidoo kale ciidanka ayaa Al-Shabaab ka furtay labo qori oo AK47 ah iyo hal gaari oo nooca raaxada ah, halka labo gaari oo kalena ay gubeen, sida uu warbaahinta ciidamada qalabka sida u sheegay Carab Dheeg Axmed oo ah Taliyaha ururka 5-aad, guutada 16-aad ee kumaandooska Danab.

Taliyaha ayaa sheegay in howlagalladaas ay maanta ku gubeen fariimo ay la haayeen Al-Shabaab, waxayna soo bandhigeen qaraxyo ay diyaarisay kooxdu oo la fashiliyey, sidoo kale ragga la qabtay ayaa dadka deegaanadaas ka uruuri jiray xoolaha ay ugu yeeraan sekawaadka.

Deegaanada kala ah Beerxaani, Qudus, Dharkeyn-urur iyo Barjella oo galbeed ka xiga magaalada Kismaayo ayaa laga fuliyey howlgalladaan oo ay ka qeyb qaateen ciidanka Nabad sugidda Jubbaland.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.