image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Qaramada Midoobay oo War Kasoo Saartay Xaaladda Ba’an Ee Abaaraha Soomaaliya Ka Jira

Muqdisho (Onkod Radio) – Warbixin uu soo saaray isku duwaha arrimaha bini’aadantinimada Qaramada midoobay u qaabilsan  Soomaaliya Adam Abdelmoula ayuu ku baaqay in si deg deg ah loo xoojiyo sidii gurmad  loo garsiin lahaa dadka ay saameeysay abaarta kajira meelo kamid ah dalka Soomaaliya.

Iskuwe Adam Abdelmoula oo kamid ahaa Mas’uuliyiin booqday xerooyin  barakac oo kuyaalla Gobolka Gedo ayaa sheegay in uu indhihiisa kusoo arkay dhibaatada ka dhalatay abaarta, isla markaana loo baahan yahay in dadkaas loo gurmado, kuwaas oo Abaarta ku waayay xoolahoodii ay dhaqan jireen.

“Xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya si degdeg ah ayay uga sii xumaanaysaa. Durba 1.5 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano ayaa la il daran nafaqo-xumo, waxaana fileynaa in 356,000 oo carruurtan ka mid ah aysan sii noolaan ilaa dhammaadka bisha Sebtembar ee sanadkan,” ayuu Abdelmoula ku yiri bayaan uu soo saaray.

Sidoo kale Adam Abdelmoula ayaa ka digay in nafaqo-xumada ba’an ay sii kordheyso haddii aan qorshaha wax-ka-qabashada abaaraha si weyn kor loogu qaadin, maadaama dad badan ay saameysay abaarta kajirta dalka Soomaaliya, waxaana maalin waliba magaalooyinka lasoo gaarsiinayaa caruur iyo dad da’a oo nafaqo darro haysto.

Meelo badan oo kamid ah koonfurta iyo  Bartamaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa xilligan kajira abaar aad u adarn, iyadoo dowladda Soomaaliya iyo Hey’adaha Sama falka ay ku hawlanyahiin wax u qabashada dadka ay saameeysay abaarta, oo xiligaan dad badam oo Soomalai ah ay wajahayaan.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.