image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Sheekh Aadan Madoobe oo shaaciyey sida laga yeelayo kursiga loo diiday FAHAD

Muqdisho (Onkod Radio) –  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sida laga yeelayo kursiga HOP#086 ee uu horey ugu soo baxay Fahad Yaasiin, balse la hakiyey.

Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in kursigan go’aan looga gaari doono kalfadhiga hadda socda ee baarlamaanka Soomaaliya, si loo soo buuxiyo.

“Haddii Ilaah yiraahdo kalfadhigan hadda socdo waa iclaamin doonaa si loo soo buuxiyo arrin dastuuri ah waaye,” ayuu yiri Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mar labaad lagu celin doono doorashada kursigan, isla-markaana loo mari doono qaab sharci ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Koley waxaan sameyn doonaa doorasho sharcigeeda dhammeystiran yahay-baa loo iclaamin doonaa, doorasho in lagu celiyo waayey,” ayuu markale yiri Aadan Madoobe.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday kursiga uu banneeyey xildhibaan Mahad Salaad oo loo magacaabay hay’adda NISA, wuxuuna sheegay in si dastuuriyan ah uu bannaanaaday, isla-markaana isagana la qaban doono doorashadiisa, si loo buuxiyo xubnimada kursigaasi.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.