image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Munaasabadda Dhaqanka Dalalka Geeska Afrika oo Lasoo Gabagabeeyay iyo Soomaaliya oo Ka Qeybgashay

Muqdisho (Onkod Radio) – Munaasabadda xuska Dhaqanka, Fanka iyo Farshaxanka Dalalka Geeska Africa oo todobaadkii lasoo dhaafay ka socotay caasimadda Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa lasoo geba-gebeeyey, waxaana si rasmi ah uga qayb galay mar kale Diblomaasiyiinta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ethiopia, iyagoo si rasmi ah u metelayay shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed.

Munaasabadda waxaa sidoo kale kaalin mug weyn ku lahaa kooxda Anshax Band oo kamid ah kooxaha Fanka iyo Wacyigelinta bulshada ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia, iyagoo soo bandhigay dhaqanka, farshaxanka iyo suugaanta kala duwan ee u gaarka ah bulshooyinka Soomaaliyeed.

Intii ay munaasabaddu socotay Soomaaliya waxa ay muujisay metelaad dhab ah, waxaana arrimahaas si weyn uga shaqeeyey Diblomaasiyiinta kala duwan ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia, iyagoo si buuxda u kaashanaya jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa mudadii ay munaasabaddu socotay waxay muujiyeen dedaal dhab ah oo salka ku haya adkaynta iyo muujinta dhaqanka, fanka iyo farshaxanka gaarka u ah Soomaaliya, waxayna kor u qaadeen awoodda ay leedahay Qaranimada Soomaaliya.

Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cali Maxamed Xuseen Atam oo Warbaahinta Qaranka u sheegay in natiijo wanaagsan ay Soomaliya ka dhaxashay ka qayb galka Munaasabadda Xuska Dhaqanka, Fanka iyo Farshaxanka Dalalka Geeska Africa oo lagu soo afmeeray caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa.

Ka qayb galka Soomaaliya ee munaasabadan ayaa fasiraad rasmi ah ka bixinaysa dedaalka ay madaxda kala duwan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya gelinayaan sidii kor loogu qaadi lahaa sumcadda iyo awoodda Qarankeennu ku leeyahay Africa iyo caalamka intiisa kale.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.