image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Daawo: Suuqa Xamar Weyne oo maalintii saddexaad xiran + sababta

Muqdisho (Onkod Radio) – Waxaa maalintii saddexaad oo xiriira ah xiran suuqa degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadur, gaar ahaan qaybta dhismah, kadib lacago dheeraad ah oo lagu soo rogay ganacsatada Bakhaarada dhismaha ku leh halkaasi.

Qaar ka mid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in looga baxay ballan ay horey ula galeen wasaaradda maaliyadda, taas oo ay sheegeen inay ka codsatay in canshuurta looga qaado dekedda, ayna ka ogolaadeen, balse haatan loogu yimid goobahooda, iyada oo mar labaad laga rabo canshuur, labaad, sida ay hadalka u dhigeen.

“Waxaa ka cabaneynaa canshuurtii dowladda ay ku qaaday dekedda oo hadda ka hor wasiirka maaliyadda ballan kala galnay waqti waqtiyada ka mid ah oo codsatay wasaaradda maaliyadda inay dekedda ku qaadato ayaa waxaan hadda leenahay mar labaad xilligii aan is laheyn dhibaatada waad ka baxeysaan ayaa hadeer waxaa noqonay inaan galno,” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada ku dhaqan suuqa Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale ganacsatada ayaa tilmaamay in xirnaashaha suuqa uu saameyn weyn ku yeeshay iyaga, dadka xamaalatada iyo sidoo kale shacabkii ku xirnaa ganacsigooda.

“Suuqaan xirnaashaha uu xiran yahay dhibaato badan ayaa ka dhalaneysa meel suuq ah weeye oo Ummadda Ilaahey usoo soof tegto waxaana ugu daran inta ku biil waayeyso ninka Bakhaarka leh, waxaa ku biil la’ dadka qaxootiga ee socda oo gacanta loo fidinaayo, waxaa ku biil la’ xamaalka oo muruqmaalka,” ayuu isna yiri odey ka mid ah ganacsatada.

Ugu dabmeyn ganacsatada ayaa baaq cod dheer ah u diray dowladda cusub, gaar ahaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ay ugu baaqeen inay wax ka qabtaan arrintaasi.

“Shaqada way naga joogsatay waxaan codsaneynaa madaxweynaha cusub Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaaraha cusub, kan hadda xilka haayo kulli inay arrintaan si dhaqsi ah usoo farageliyaan” ayuu yiri mid ka mida ganacsatada la hadashay warbaahinta,.

Sikastaba, ma’ahan markii ugu horreysay oo ee ay ganacsatada magaalada Muqdisho ku dhaqaaqaan inay xiraan goobahooda ganacsi, sababo la xiriira cashuuro lagu soo dalacay.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.