image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Muxuu Beyle ka yiri warka sheegaya in dowladdii Farmaajo ay lacag badan ka tagtay ?

Muqdisho (Onkod Radio) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda fedeeraalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo muuqaal kooban soo duubay ayaa ka hadlay waxa ka jira wararka sheegaya in dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Farmaajo ay qasanadda uga tegtay lacago badan, isla-markaana ay buuxaan.

Bayle ayaa beeniyey wararkaasi, wuxuuna sheegay in dadka faafiyey ay saameeyeen mas’uuliyad darro aad u weyn sida uu hadalka u dhigay.

“Qolooyin oranaya qasnadaheena ayaa buuxa lacago fara badanbaa laga tegay waxyaalaha noocaan oo kalaa aniga runtii waxaan u qaadanayaa mas’uuliyadda darro waxaa kale oo taa ii wehliyo oo aan maqlayaa wasiir Bayle ayaa sidaas yiri,” ayuu yiri wasiirka maliyadda.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Waxaan doonayaa dadyahow Soomaaliyeed aniga kolaba inaan been sheego laygama baran waxaan jecelahay in marwalba wixii jira oo run ah oo la taaban karo inaan idinla wadaago,”.

Wasiir  Bayle ayaa xaqiijiyey in aysan hadda buuxin qasnadda dowladda, isla-markaana aysan jirin lacag looga tegay, wuxuuna xusay in xaqiiqada jirta ay sidaasi tahay.

“Qasnadaheenaa buuxa anigu ma oran, mana buuxaan. ciddii tiraahdana waa mas’uuliyad darro runtiis sidaas ayaa xaqiiqadu tahay,” ayuu markale yiri wasiir Bayle.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.