image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Shirkadaha Diyaaradaha oo ku dhawaaqay joojinta duulimaadyada dalka + Sababta

Muqdisho (Onkod Radio) – Guddiga maamulka diyaaraha gudaha dalka oo maanta kulan isugu yimid ayaa shaaciyay in laga bilaabo maalinta berri ah ay gabi ahaan diyaaradaha ka shaqeeya gudaha dalka ay joojinayaan shaqadii ay hayeen.

War-saxaafadeed ay si wada-jir ah u soo saareyn dhamaan madaxda Shirkada diyaaradaha ka howl-gala gudaha dalka ayaa lagu sheegay in hay’adda duulista rayidka ay ku guul dareysatay xaqiijinta amniga garoomada, taasina ay ku kaliftay in ay ku dhawaaqaan shaqo joojin.

“Shir ay maanta iskugu yimaadeen dhamaan shirkadaha diyaaradaha ee ku midaysan ururka (AOA) loogana hadlayay caqabado kasoo cusboonaaday qayba kamid ah garoomada dalka kuna saabsanaa ku kalsoonaanta amniga, ayaa gaba-gabadii waxaa la isla gartay in madaama Hay’adda Duulista Rayidku aan u muuqan mid u heelan bad-qabka diyaaradaha iyo rakaabka saaran ayaa waxay shirkaduhu go’aansadeen sidaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa lagu yiri qoraalka “Laga bilaabo barrio o Axad ah taariikhduna ay ku beegantahay 6, juun 2022-ka, in l ajoojiyay dhammaan duulimaadyadii ay shirkadaha ku tagayeen garoomada dalka illaa laga gaarayo xal badbaadin kara bad-qabka diyaaradaha iyo rakaabka saaran.”

Shaqo joojinta kasoo baxday Maamulka shirkadaha diyaaradaha gudaha dalka ayaa waxaa wali ka jawaabin dowladda, gaar ahaan hay’adda duulista hawada, oo ay ku eedeeyeen inay ku guul-dareysatay ilaalinta amniga diyaarahada iyo rakaabka saaran.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.