image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

40 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab oo lagu dilay dagaal ka dhacay magaalada Baxdo

Muqdisho (Onkod Radio) – Ugu yaraan 40 ka mid ah maleeshiyada Al-shabaab ayaa lagu dilay degmada Baxdo ee gobolka Galguduud, kaddib markii dadka deegaanka iyo ciidamada Galmdug oo is garabsanaya ay ka hortageen weerar ay Al-shabaab ku soo qaaday deegaanka Baxdo.

Sida uu ku soo warramayo wariyaha VOA ee Galmudug Cadiwaaxid Macallin Isaaq, dadka deeganka Baxdo ayaa sidoo kale soo bandhigay saddex kamid ah maleeshiyada oo dagaalka lagu qabtay.

Khasaaraha kasoo gaaray dadka deegaanka iyo ciidanka Galmudug ayaa lagu sheegay toddoba qof oo dhimasho ah iyo tobaneeyo kale oo dhaawac ah.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale soo bandhigay gaari laga soo buuxiyay qaraxyo, kaas oo ay wateen maleeshiyada Al-shabaab.

Xaaladda Baxdo ayaa galabnimadan deggan, iyadoo ay deegaanka soo gareen ciidamo gurmad ah kuwa dowladda iyo kuwa Galmudud.

Xigasho VOA SOMALI

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.