image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Maxay Al-Shabaab ka tiri wadahadal ay la gasho Dowladda Soomaaliya?

Muqdisho (Onkod Radio) – Hoggaamiye ku xigeenka kooxda Al-Shabaab Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Mahad Karate) ayaa wareysigii ugu horreeyey oo uu bixiyey siiyey Channel 4 oo laga leeyahay UK, wuxuuna ka hadlay arrimo dhowr ah.

Mahad Karate ayaa qayb ka mida wareysiga uga hadlay, haddii ay wadahadal la-galayaan dowladda Soomaaliyeed, si loo soo afjaro dagaalka ay ka wadaan dalka, wuxuuna shaaca ka qaaday in wax hadal ah aysan la gelin doonin dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hoggaamiye ku xigeenka Al-Shabaab ayaa sababta ay ku diideen wadahadalka ku sheegeen in aysan aaminsaneyn dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in cid kasta oo diidan Shareecada Islaamka aysan la hadli doono, ayna sii wadi doonaan dagaalka.

“Anagga sideedaba nimankan dowlad kama aaminsanin. Cumuumana cid kasta oo ay shareecada ilaaheey noo diiday inaan la hadalno, la hadli mayno. Ciddii ilaaheey shareecaddiisa noo banaysay inaan la hadalno, waan la hadlaynaa” ayuu yiri Mahad Karate.

Dhinaca kale wuxuu tilmaamay in mar uun ay ku han weyn yihiin inay la wareegaan guud ahaan Soomaaliya, ujeedkoodana uu yahay inay ka dhaqan geliyaan Shareecada Islaamka.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.