image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Kenya oo Soomaaliya raali-gelin ka siisay Dhacdadii shalay ee calanka Somaliland

Muqdisho (Onkod Radio) –Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa raali-gelin ka bixisay in calanka Somaliland shalay lagu arkay munaasabad uu madaxweyne Uhuru Kenyatta ku casuumay diblomaasiyiinta caalamiga ah ee ee ku sugan Nairobi.

Munaasabaddaas ayaa waxaa isaga baxay safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan kadib markii uu goobta ku arkay calanka Somaliland iyo wakiilka Somaliland u fadhiya Nairobi. 

Safaaradda Soomaaliya ayaa kadib qoraal ay u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya uga cabatay arrintaas, ayada oo sheegtay in tallaabadaas ay xadgudub ku tahay qarannimada, madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya. 

Ayada oo cabashadaas ka jawaabeysa ayey Wasaaradda Arrimaha Dibeddda Kenya waxay xalay soo saartay qoraal ku socda safaaradda Soomaaliya, kuna bixineyso raali-gelin.

“Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya waxay qireysaa warqadda kasoo baxday safaaradda Soomaaliya ee ku taariikheysan 14-ka June 2022 iyo inay dareenkeena kusoo jeedisay in calanka Somaliland uu ka mid ahaa calamadii yaalay dhacdo sanadeedkii diblomaasyadda,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya. 

“Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya waxay ka xun tahay sida aan ku talo-galka iyo munaasibka ahayn ee calanka Somaliland uga soo dhex muuqday dhacdo sanadeedka diblomasiyadda. Wasaaraddu waxay kale oo rajaynaysaa inay dib u xaqiijiso aqoonsiga qarannimada hal dawlad oo federaal ah oo Soomaaliyeed iyo jiritaanka qaranka federaalka Soomaaliya.” 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.