image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Khudbadda Abiy Axmed oo noqotay tan ugu saameynta badan

Muqdisho (Onkod Radio) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo ka mid ah madaxda ka qayb-gashay xafladda caleema saarka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa jeediyey khudbad cajiib ah, isaga oo ku hadlayey luqadda Engilishka iyo erayo Soomaali ah

Abiy oo si weyn loogu Sacbiyey marka uu khudbaddiisa kusoo daray erayo af Soomaali ah ayaa ka hadlay arrimo xasaasi, gaar ahaan xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Waxaa iga go’an inaan sii wadno iskaashiga labada dal iyo dadka walaalaha ah” ayuu khudbaddiisa ku yiri Abiy Axmed, isaga oo ku hadlayey afka Soomaaliga.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu Soomaaliya u rajeynayo nabad waarta iyo barwaaqo, isaga oo ereyadaas sidoo kale ku yiri afka Soomaaliga.

“Waxaa u rajeynayaa shacabka Soomaaliyeed nabad waarta iyo barwaaqo,” ayuu sii raaciyey ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inuu la shaqeyn doono Madaxweynaha cusub Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayna isku kaashan doonaan, darisnimo iyo walaalnimo.

“Soomaaliya ha noolaato Ethiopiayana ha noolaato,” ayuu kusoo gabagabeeyey kudbaddiisa ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya.

Abiy Axmed ayaa 5-tii sano ee lasoo dhaafay ahaa saaxibka Maxamed Farmaajo, waxayna iskala tirsanaayeen isbaheysiga saddex geesoodka ah ee Soomaaliya, Itoobiya & Eritrea.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.