image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Daawo: Yaasiin Farey oo ka hadlay kiiskii Ikraan Tahliil iyo arrimo kale oo xasaasi ah

Muqdisho (Onkod Radio) – Ku-simihii hore ee hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA, Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa markii ugu horeysay bixiyey wareysi uu qeybo ka mid ah uga hadlay kiiska dilkii Ikraan Tahliil Faarax oo maqan mudo ku dhow hal sano.

Yaasiin Farey ayaa ku adkeystay in Ikraan Tahliil ay dileen Al-Shabaab, isagoo sheegay in arrintaas ay ku ogaadeen baaritaan uu sameeyey intii uu ahaa Taliyaha NISA ee gobolka Banaadir.

Wuxuu sheegay in markii Ikraan la waayey uu taliye ka ahaa nabad sugidda gobolka Banaadir, halka Fahad Yaasiina uu dalka ka maqnaa sida uu sheegay, kadibna isaga loo xil-saaray in kiiska Ikraan uu baaro.

Sidoo kale Yaasiin Farey ayaa ku celceliyey in kiiska Ikraan Tahliil la siyaasadeeyey, balse faylalka baaritaankii la sameeyey ay yaallaan xarunta NISA iyo maxkamadda ciidamada oo ay ku wareejiyeen.

Sidoo kale Xildhibaan Yaasiin Farey oo wareysigaan siiyey TV-ga SMS ayaa ka hadlay ciidamada tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo uu sheegay in faahfaahin badan uusan ka heyn, markii laga reebo in dalka ay tababar ugu maqan yihiin.

“Waxaan ciidamada qaranka ku soo dhex jiray 13 sano oo dalkaan waan u soo dakanoobay, hadda waxaan ku biiray baarlamaanka, waxaan soo noqday taliye degmo, taliya qeybta gobolka Banaadir ee NISA iyo Taliyaha guud ee hey’adda NISA, weligey gacanteyda, amar aan bixiyey ama aan ogahay, laguma dhibaateyn qof Soomaaliyeed, waxaana dalbanayaa cafis guud,” ayuu yiri Yaasiin Farey.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.