image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Madaxweyne Xasan oo tegay Wasaaradda Gaashaandhigga

Muqdisho (Onkod Radio) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya, isaga oo kulamo la yeeshay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ujeedka kormeerka Madaxweynaha ayaa la xiriirtay mid ugu kuur-geliyey hannaanka shaqo ee Wasaaradda iyo Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ugu horreyn Madaxweynaha oo salaan ka qaatay ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan halkaasi ayaa warbixin ka dhageystay wasiirka Gaashaandhigga iyo taliye Odowaa.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan xerunta Wasaaradda Gaashaandhiga, isaga oo kala hadlay dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay bilaaban doonaan howlgallo cusub, wuxuuna faray Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, inay u diyaar garoobaan howlgalladaasi.

Dhinaca kale ammaanka xarunta wasaaradda ayaa loo adkeeyey, iyada oo inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho la xiray, taas oo saameyn ku yeelatay shacabka.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.