image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Qaramada Midoobay oo sheegtay in 1.5 Milyan oo Carruur ah ay Soomaaliya ku wajahayaan macluul

Muqdisho (Onkod Radio) — Adam Abdelmoula, oo ah, isu duwaha gargaarka bani’aadamnnimo Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa sheegay in abaarta ka jirta Dalka ay saameyn ba’an ku reebtay Nolosha Dadka ku nool Gobollada Roobka ku yaraaday.

Abdelmoula, waxa uu sheegay in halista laga muujinayo abaarta ay sii korortay laga soo billaabo Jannaayo 2022, Dadka ugu badan ay saameynta taban ku reebtay waxa uu tilmaamay in ay yihiin Carruurta iyo Dadka da’da ah.

“Halista ka jirta Deegaannada abaartu saameysay waa mid sii kordheysa, Dhulka oo qalalay, Roobka oo yaraaday iyo nafaqo darrada ka dhalatay baahida heysata Carruurta ayaa kordhisay wel welka laga qabo xaaladda ka taagan Soomaaliya” ayuu yiri Adam Abdelmoula.

Abaarta ku dhufatay Soomaaliya ayaa saameyn ba’an ku reebtay 6.1 Milyan oo ruux, 771,000 (Toddobo boqol, toddobaatan & kow kun) oo qof ayaa guryahooda isaga barakacay si ay u helaan Biyo, Cunno & Daaqa Xoolaha yar ee u badbaaday.

Deegaannada qaar waxaa laga diiwaan geliyay Shuban-Biyood, Qaramada Midoobay, ayaa ku baaqday in loo gurmado Dadka abaartu ku saameysay Gobollada Soomaaliya, ee u baahan in loo gurmado si looga hortago Musiibooyinka ka dhalan kara xaaladdaas adag.

5.5 Milayn oo ruux oo Soomaali ah, ayaa 18% hela taageero aanay ku filneyn, sidaas awgeed waxa ay xubno katirsan Qaramada Midoobay, soo jeediyeen in la kordhiyo sanduuqa taakulada ee Barakacayaasha si dib u dejin loogu sameeyo.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya u qaabilsan gargaarka abaarta Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ku baaqay in gurmad degdeg ah, oo gudaha & dibedda ah loo raadiyo qoysaska ku dhibaateysan Koofurta Dalka.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya u qaabilsan gargaarka abaarta
Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya u qaabilsan gargaarka abaarta

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.