image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Sicir bararka Turkiga oo gaaray meeshii ugu sarreeysay

Muqdisho (Onkod Radio) — Sicir-bararka dalka Turkiga, ayaa bishii May gaaray 73.5% oo ah heerkii ugu sarreeyay muddo 24-sano ah, kaas oo ay sabab u tahay dagaalka ka socda Ukraine oo kor u qaaday qiimaha tamarta iyo hoos u dhac ku yimid lacagta Liraha, in kasta oo markii horeba dhaqaaleyannadu saadaaliyeen sare u kacan.

Sicir-bararka ayaa kor u kacay tan iyo dayrtii hore, markaas oo lacagta Liraha ay hoos u dhacday kadib markii bangiga dhexe uu bilaabay isbedel lagu fududeynayo heerka dulsaarka oo gaarayay 500 oo uu codsaday Madaxweyne Tayyip Erdogan.

Tirada ugu dambeysay ayaa kor u dhaaftay 73.2%, waana kii ugu sarreeyay tan iyo bishii Oktoobar 1998-kii, markaas oo sicir-bararka sannadlaha ahi ahaa 76.6%, waxaana Turkigu la halgamayay sidii loo soo afjari lahaa toban sano oo sicir-barar ah.

Si kastaba ha ahaatee, saadaasha la isku raacsan yahay ayaa ahayd in sicir bararka sanadlaha ah uu kor u kaco ilaa 76.55%.

Qiimaha raashinka iyo gaadiidka ayaa kor u kacay 108% iyo 92% sannadkii la soo dhaafay, taas oo muujinaysa dhibaatada dhaqaale ee sii xumaanaysa ee dadka Turkiga ah ee la halgamaya inay soo iibsadaan waxyaabaha aas-aasiga ah.

Dowladdu waxay hore u sheegtay in sicir-bararku uu hoos u dhici doono sanadka soo socda iyada oo la raacayo barnaamijkeeda dhaqaale ee cusub – iyada oo mudnaanta siinaysa heerka dulsaarka hooseeya, si kor loogu qaado wax soo saarka iyo dhoofinta.

 

VOA + Reuters

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.