image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka degay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Onkod Radio) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa kasoo kicitimay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, waxayna toos uga dageen garoonka Dhuusamareeb, oo uu ku dhaweeyey madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug iyo qaybaha kula duwan ee bulshada.

Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad loo doortay Madaxweynaha dowladda federaalka, kadib doorashadii 15-kii May ayaa safarkan wuxuu noqonayaa kiisii ugu horreeyey ee uu ku gaaro Galmudug oo noqoneyso maamulkii labaad ee uu booqanayo Madaxweynuhu.

Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa ah mid uu diirada ku saarayo maamulladii taabacsanaa Maxamed Farmaajo, ka hor dhismaha dowladdiisa cusub.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu kulamo la yeesho madaxda sare ee Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo ka xog wareysan doono xaaladda degaanka.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale u kuur geli doono xaaladda Dhuusamareeb, wuxuuna booqan doonaa meelaha muhiimka ah ee magaalada oo ay dhowaan dagaallo ka dhaceen.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbedel siyaasadeed, kadib doorashadii adkeyd 15-kii bishaan May ka dhacday Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.