image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Nin Kenya u dhashay oo ragga kala hadla arrin ay bulshadu “ceeb u aragto”

Nairobi (Onkod Radio) — Nin u dhashay dalka Kenya ayaa ragga kale ku dhiirrigeliya inay ka hadlaan oo ay bartaan dhiigga caadada haweenka, isagoo meesha ka saaraya fakarka ah inuu yahay dhib haweenka gaar ku ah.

 

Steve Kipepeo, oo ku nool Isku-raranka Mukuru ee magaalada Nairobi, ayaa ka hadla meelaha ay raggu isugu yimaadaan.

 

Wuxuu Laanta Sawaaxiliga ee BBC-da u sheegay inuu arrintan bilaabay kaddib markii uu arkay sida haweenka bulshadiisa ay ugu baahan yihiin taageero.

 

“Inta badan gabdhaha halkan ma helaan taageero ku saabsan dhiigga caadada. Waxay ku kalliftaa inay ragga galmo uga beddeshaan suufka nadaafadda,” ayuu yiri.

 

“Raggu way ku daneystaan gabdhaha waxayna xitaa gabdhuhu ka baxaan iskuullada. Waxay isticmaalaan waxyaabo aan habbooneyn sida suufka joodariga, maro dug ah iyo xitaa waraaqaha suuliga.”

 

Mr Kipepeo ayaa sheegay in markii ugu horreysay ee uu ragga la kulmay, uu siiyay suufka nadaafadda – isagoo isku dayaya inay ragga u noqoto wax caadi ah arrintaas.

 

“Intooda badan xitaa kaama qaadanayaan suufka. Si kale ayay ii eegayaan.

 

“Waxay aaminsan yihiin inay ceeb tahay in laga hadlo dhiigga caadada. Ma fahansana inay muhiim tahay in la barto dhibka ay gabdhuhu maraan marka ay ku jiraan xilliga caadada.”

 

Wuxuu Kipepeo rajeynayaa inuu wax caadi ah ka dhigo ka wada sheekeysiga la xiriira dhiigga caadada uuna ku guuleysto taageerada ay raggu u muujin lahaayeen haweenka.

 

BBC SOMALI

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.